Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa ay sheegaayaan in Al-Shabaab ay Afduubteen shaqaale u shaqeynaayay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee dalka Kenya, islamarkaana ay burburiyeen xarumihii ay la heyd shirkadaasi ee ku yaallay tuulooyin hoos yimaada degmada Garissa.
Sidoo kale shabaab ayaa la sheegaya in ay weerar ku qaadeen iskuul ay arday u fadhiyeen imtixaan oo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.
Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan degmada Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay galeen cutubyo ka tirsan ciidanka ururka Al-Shabaab.
War lagu daabacay baraha Al-Shabaab wararka u faafiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay qabsadeen degaanka Haluuqa , islamarkaana ay gacanta ku hayaan.
Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah gacanta ku hayay degaanka Haluuqa ee dalka Kenya.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidanka Al-Shabaab ay burburiyeen shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla degaanka.
Wali Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya faahfaahin kama bixin weerarada ay Al-Shabaab ku qaadeen gobolka Waqooyi Bari.
Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dowladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.