DHAGEYSO:- C/weli Gaas oo sheegay in Hal Malyan oo dollar ay ku bixinayaan wax ka qabashada abaaraha ka jira deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in lacag gaaraysa Hal Malyan oo Dollar laguna bixin doono Abaaraha ka jira gobalada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cabsi weyn laga qabo in ay abaaraha sii socdaan, isagoo sheegay in ay hadda abaaruhu marayaan meel halis ah oo hadda la marayo.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay  guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona arrimahan, iskuna duba ridaya gargaarka deg deg ah, si meelmar looga dhigo in gargaar la siiyo Shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Dawladdu ay fidinayso gurmad deg deg ah maadaama ay abaartu daba dheeraatay loona baahan yahay in si dhakhso ah loogu gurmadu dadka ay abaaruhu sameeyeen.

C/wali Gaas ayaa caddeeyey in waqtigan la joogo aysan daawan karin dhibaatada ay abaartu ku hayso dadka iyo duunyada balse Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashanayaan si deg deg ahna ay ugu gurman doonaan dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-