Faahfaahin Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday Is rasaaseyn khasaare geysatay.

Is rasaaseynta oo ka dhacday agagaarka xaafada Xaryaale ayaa la sheegay in ay u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is rasaaseyntan ayaa timid kadib markii Ciidamada labada dhinac uu soo kala dhexgalay muran af ka hadal ah, kadibna ay isku fureen rasaas.

Goob jooge ayaa sheegay in is rasaaseynta ay ku dhinteen Labo Askari, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen Labo kale.