Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in guddigooda ay soo Wajahday dhaqaalo daro.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo ay hada gacanta ku hayaa isla markaana aysan shaqo qaban Karin.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay suurta gal tahay in dhaqaalo daro awgeed ay hakad u galaan howlaha Guddiga doorashooyinka Puntland.
Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in ay helaan dhaqaalo ku filan si loo dardar geliyo howlaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee laga soo dooranayo degaanada Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo qorshihii loo dajiyay in lagu socod siiyo howlaha Guddiga doorashooyinka Puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO