Tv-ga Aljazeera ee saldhiggiisu yahay dalka Qatar ayaa warbixin sawirro wadata ka sameeyay Ciidamada aadka u tababaran ee Xarakada Al-Shabaab kuwaas oo in dhawaanba fulinayay weerarro dhiig badan uu ku daatay oo lagu qaaday saldhigyo waaweyn oo ay leeyihiin Ciidamada Shisheeye ee jooga Soomaaliya.
Aljazeera qeybta English-ka oo fursad u heshay iney soo aragto xero ay joogaan Ciidamadaas ayaa baahisay muuqaallo muujinaya qaab-hubeynta ciidankaas iyo diyaar garowgooda.
Wariyaha Al-Jazeera English ee Soomaaliya Xamza Max’ed oo warbixintaan diyaariyay ayaa sheegay in ragga uu soo arkay oo ka koobnaa ku dhawaad 150 askari ay isugu jireen qeybaha Caafimaadka, qaraxyada iyo Istish-haadiyyiinta, kuwaas oo u diyaarsan in dhawaan ay howlgallo qaadaan.
“Koox dhalinyaro ah oo isku darees ah, wajiyadana soo duubtay oo dhanka ay ka yimaadeen aaney muuqan ayaa gaadda ka cayaar ugu soo dhaqaaqay dhul furan oo keymo ah” ayuu yiri Xamza Max’ed.
Ciidanka gaarka ah ayaa kalimado ka dhageystay Madax sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay ugu horreeyeen Afhayeenka Guud ee Xarakada, Sheekh Cali Dheere iyo Waaliga Galgaduud, Sheekh Xasan Yacquub.
“Jihaad, ayuu ku qeyliyay Abaanduulka Ciidanka, ka dibna ciidamadii waxey iyana ku jawaabeen si cod dheer ah [ Quwwah, Cizzah]” ayuu yiri Xamza.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo la hadlay Ciidamada ayuu ku yiri “ALLAH ayaa idin doortay in aad u Istaagtaan difaaca Diinkiisa iyo dadka Muslimiinta”.
Ciidamadan gaarka ah ayay warbixintu sheegeysaa iney joogeen xero ku taalla duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waa degmo dhawaan ay Xarakada Al-Shabaab la wareegtay markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.
“Mooralka Ciidanka ayaa aad u sareeyay sababo la xiriira akhbaarta soo gaareysay ee sheegeysa bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Moqokori iyo Al-Shabaab oo dib u qabsatay iyagoon hal xabad qush siin oo hal askarina ka dhiman” ayay tiri warbixinta.
HALKAAN KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=aWQgeID7Omk