Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan sida ay sheegeen Shabaab ayaa waxaa uu biloowday 7:00 ilaa iyo 8:00 habeenimo waxaana laysku adeegsatay hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqlaayeen Madaafiicda ka dhacaysay degaanka .
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu sababay Khasaare isku jira Dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa iyo Hada Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin dagaalka xalay ka dhacay degaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.