Dad badan ayaa isweydiinaya su’aasha la xiriirta tirada Xubnaha Aqalka hoose iyo Aqalka sare ee ilaa hada lagu doortay Xarumaha Maamul Goboledyada dalka ka jira, iyadoo weli ay socoto Doorashada Xubnaha Aqalka hoose.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka, ayaa shaaciyay tirada Xildhibaanada cusub ee ku biiray Baarlamaanka Somaliya ee ilaa hada la doortay.
Waxa uu sheegay Aqalka hoose in loo doortay Xildhibaano gaaraya 112 Xildhibaan, halka Aqalka sarena loo doortay 43 Xildhibaan, waxaana wadarta guud ee Xildhibaanada la doortay ay noqonaysaa 155 Xubnood oo isugu jira Aqalka Sare iyo Aqalka hoose.
Abukaate Cumar Cabdulle, ayaa sheegay 20 ka mid ah Xildhibaanada la doortay inay yihiin haween, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay guul u soo hooyatay Guddiga Doorashada oo si rasmi ah u xaqiijiyay Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka wuxuu sheegay Xarumaha Maamul Goboledyada dalka ka jira inay si wanaagsan uga socdaan arimaha la xiriira Doorashooyinka dalka.
Weli waxaa jira in Doorashooyinka dadban ee dalka Xubnaha Aqalka hoose ay socdaan, inkastoo ay jiraan murano ku aadan Musuq maasuq la tabanaayo.