Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa degan , waxaana ay wadaan guddiyada Nabada Gaalkacyo dadaalo lagu doonaayo in lagu adkeeyo xabad joojinta Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kula sugan goobihii la kala geeyay maalmihii lasoo dhaafay.
Qaar ka mid ah shacabkii ka barakacay Gaalkacyo ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtay Magaalada , waxaana saaka la arkaaya dad aad u farabadan oo guryahooda dib u furanaya.
Qaar ka mid ah goobihii ganacsiga ayaa saaka dib loo furay Qaarkooda , waxaana magaalada laga dareemaya saan saan nabadeed.
Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee maamulada Puntland iyo Galmudug Xasan Maxamed Khaliif iyo sidoo kale Cabdirashiid Maxamed Carte ayaa maanta lagu wadaa in ay kala booqday Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa ka shaqo bilaabi doono Koonfurta Gaalkacyo , halka Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudugna uu ka shaqo bilaabi doono Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Gaalkacyo ay gaaraan ciidanka Komaandooska Soomaaliya , kuwaa soo oo la shaqeyn doona guddiyada Nabada Gaalkacyo.