Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay qaabka ay u socoto Doorashada Soomaaliya

0

Qoraal ka soo baxay Beesha caalamka ayaa lagu muujiyay walaaca Beesha Caalamku ka qabto Doorashooyinka ka socda Goobo badan oo Soomaaliya ah.

Qoraalka waxa lagu yiri”Qaramada Midoobay,Midowga Africa,Midowga Yurub,Ururgoboleedka Igaad,Ethiopia,Talyaaniga,Sweden,UK iyo Maraykanku, Waxay  ugu baaqayaan xubnaha madasha wada-tashiga qaran in ay  isticmaalaan awoodooda iyo saamayntooda si looga hortago qaab xumada iyo caddaalad darrada lagu sameynayo doorashada.

Qoraalkaan waxaa lagu xusay inay Qaramada Midoobay ka walacsan Waxyaabaha ay ka midyihiin Cadaadiska iyo dhibaataynta lagu hayo musharraxiinta, Fara-gelinta wufuudda iyo liiska musharaxiinta.

Sidoo kale Beesha Caalamka Warka ka soo baxay waxaa lagu sheegay inay ka Xun tahay Dhacdooyinkii ka dhacay Goobaha ay ka soconayaan Doorashooyinka,waxaana ay ku baaqday in Doorashadu ay u dhacdo si Xalaal ah,Maadaama horay loogu Heshiiyay in ay Doorashadu ku Dhacdo si Caddaalad ah oo aan Musuq Maasuq laheyn.