DHAGEYSO:- Mashquulkii ugu xooganaa oo ka jira Xawaaladaha Magaalooyinka Jowhar Cadaado

0

Magaalooyinka Jowhar & Cadaado, ayaa waxaa ka soconaya doorashooyinka lagu soo xulayo xubnaha lagu wado in Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ku metelan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Toddobaadkan, ayaa mashquul badani laga dareemay Xawaalaha Cadaado iyo Jowhar ku kala yaala, xilli la soo sheegayo in musuq maasuq baahsan uu hareereeyay soo xulista Xildhibaanada.

Kuwa hardanka ugu jira inay ku guuleystan ka mid noqoshada Aqalka Hoose, ayaa lacago xoog lihi u adeegsanaya doorashooyinka ka kala soconaya magaalooyinkaasi.

Xubnaha u hanqal taagaya ka mid noqoshada Baarlamaanka, ayaa waxaa ku jira ganacsato, iyadoo qaarkoodna ay dusha ka xiirayan dad dalka dibadiisa ku sugan, iyagoona ku boorinaya inay Xildhibaanimo raadsadaan.

Lacagaha xoogga lihi ee lagu bixinayo doorashooyinkan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka kala imanayaan dal iyo dibadba, waxayna noqonaysaa lacagihii ugu xooganaa oo muddo tuddobaadyo gudahood Xawaaladaha loo mariyo Jowhar & Cadaado.

Ergooyinka wax dooraneysa, ayaan Xildhibaanka ku soo dooranayn karti, aqoon iyo waxqabad uu la imaan karo, balse waxay wax ku dooranayan sida ay u kala qoyan yihiin musharaxiinta.

Ergooyinka qaarkood, ayaa su’aalo laga keenay sharci ahaanshahooda, iyadoo Villa Somalia lagu eedeeyay inay bedeshay Ergooyin badan, oo horey loo diiwaangeliyay, ayna ku soo bedeshay kuwo aan lala ogayn, oo ay ku keli tahay.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa si kulul Madaxda Dowladda ugu eedeeyay in is daba marin tii ugu darneyd, ay ku sameeyen Ergada soo dooranaysa Xildhibaanada.

C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirkii hore Warfaafinta ee Somaliya oo Arbacadii looga guuleystay tartanka Xildhibaanimada, ayaa Dowladda Somaliya ku eedeysay inay bedeshay Ergadii saxda ahayd.

Musuq maasuqa hareereeyay doorashooyinka Xildhibaanada lagu wado inay ka mid noqdaan Aqalka Hoose, ayaa sidoo kale ka jira Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo & Garoowe, walow ay qaylo dhaanta musuq maasuqa ku badan tahay Cadaado & Jowhar.

Dadka odoroso Siyaasadda Somaliya, ayaa kuu sheegaya in musuq maasuqan ay kaalin ku leedahay Beesha Caalamka, ka dib markii ay Madaxda Madasha ku wareejisay geedi-socodka hannaanka doorashooyinka ee dalka, maadaama ay qaarkood yihiin musharaxiin xusul duub ugu jira madaxtinimada dalka iyo musharaxiin kale, oo qaarkood ku kala guuleystay inay ku soo baxaan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

C/rashiid Khaliif Xaashi, Madaxa Machadka Herritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Madasha ay ku kaceen musuq maasuqii horeyba looga fillaayay, haddii loo gacangeliyay inay maamulaan doorashooyinka dalka.

Madaxda Madasha, ayaa waxaa muuqata in inta badan ay ka faa’iideysteen 275-ka xubnood, ee lagu wado inay ka miq noqdaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Dhanka kale Cadaado, ayaa lagu wadaa in lagu doorto 36 Xildhibaan oo Galmudug ku metelaya Aqalka Hoose, halka 37 kalana lagu dooran doono Jowhar.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in 40 xubnood ka yimaadan Puntland. Jubbaland waxaa ka imaan doono 39 xubnood. Koonfur Galbeed 69 xubnood. Banaadir 7 xubnood, halka 47 kalana ay ka imaan doonaan Beelaha Somaliland. Waxayna wadartoodu guud isu noqonaysaa 275 xubnood, oo loo qorsheeyay in Aqalka Hoose uu ka koobnaado.

Dhaqaalaha xargaha goystay ee lagu kala iibsanayo Xildhibaanada Aqalka Hoose, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli abaaro baahsan ay ka jiraan qaybo ka mid ah Gobolada Wadanka, dadka reer miyiguna ay ku wajahayaan nolol aad u liidato, iyadoo xoolihii ay haysteena ay ku la’anayan abaarahaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-