Qaxootiga ku nool xarayaha Dhadhaab ayaa soo dhaweeyay go’aanka wasarada arrimha gudaha dalka Kenya ay mudo lix bilod ah dib ugu dhigtay in 30-ka bishan November ay albaabada u xirto xaryaha Dhadhaab.
Kulamo ay ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Qaxootiga ayaa waxa ay soo dhoweynta ka sokow ay dowladda kenya ka codsadeen in 3 sano looga dhigo go’aanka xiritaanka xerada Dhadhaab.
Waxa ay sheegeen 6 bil in aysan meel dheer jirin oo aysan ku filneyn, waxaana ay Kenya ka codsadeen waqtiga in loo kordhiyo si ay u sii diyaar sadaan goobihii ay u guuri lahaayeen.
Sidoo kale Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxa ay sheegeen in si weyn ay ula qabsadeen xeryaha Dhadhaab, ayna aad ugu adag tahay in ay ka guuraan, maadaama caruurtooda ay ku koreen Dhadhaab, sidoo kalena ay ku wax barteen.
HALKAAN KA DHAGEYSO