Qaramada Midoobay oo ka walaacsan khatarta Burcad Badeeda Somalia

0

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in weli ay muuqato khatarta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed, inkastoo guulo laga gaaray hawgallada lagu wiiqayo Kooxahaasi.

Sarkaal lagu magacaabo Andre McLaughlin oo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan danbiyada iyo muqaadaraadka ee UNODC u qaabilsan la socodka amniga Biyaha Caalamka ayaa sheegay in ay macquul tahay in awooda Burcadda Badeeda ay soo laabato.

Sarkaalkan ayaa soo laabashada Burcada Badeeda waxuu ku tilmaamay in sababtay dhaaqaalaha xumida iyo amniga oo aan aheyn sidii looga baahnaa Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in tayo la’aanta militariga Soomaaliya iyo shaqa la’aanta heysata Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay tahay mid horseedeysa in aan laga adkaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Mr. Andre ayaa waxuu  carabka ku dhuftay in xooga ay saari doonaan sidii loo xaqiijin la haa biyaha Soomaaliya, islamarkaana halkaasi looga ciribtiri la haa Kooxaha Burcad Badeeda.

Bishii la soo dhaafay ayee aheyd markii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed ay sii deeyeen in ka badan 20 Ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo madax furasho ay u heysteen ku dhawaad 5 Sanno.