Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in xalay Dagaal kooban uu mar kale ka dhacay.
Ugaas Aadan Xaaji Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaal muddo kooban socday, la iskuna weedaarsaday Hubka cul culus iyo kan fud fudud.
Waxaana Ugaasku ugu baaqay labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo dhawaan Heshiis la kala dhex dhigay in ay daacad ka noqdaan qodobada ay wada gaareen islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan Nabad Gelyada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soconeysay dadaallo ku aadan waan waan iyo dhaqan gelinta Heshiiskii laga gaaray Colaadda Magaaladaasi oo u dhexeysay maamullada Puntland iyo Galmudug.
HALKAAN KA DHAGEYSO