Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in lagu kala cararay xarunta ay ka socoto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado ka dib markii nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ergada xildhibaanada Galmudug dooranaysa lagu toogtay Afaafta hore ee xarunta ay ka socoto doorashada .
Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in xarunta ay ka kala carareen Ergooyinkii iyo sidoo kale musharaxiintii , waxaana goobta yimid ciidamo dheeraad ah.
Ciidamada Ammaanka ayaa howgal ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka geystay waxa ay ka bilaabeen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii Maanta Magaalada Cadaado lagu doortay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo horay xilal ka duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.