Warar soo baxaya ayaa xilligaan waxay sheegayaan in loo baqayo in dib uu usoo laabto madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuna guuleysto Kursiga Villa Soomaaliya.
Xogtaan ayaa tilmaameysa in Xasan Sheekh uu durba lacag aan caadi ahayn ku iibsaday Saddex Meel Hal meel dhammaan xildhibaannadii hadda sida hordhaca ah loo doortey.
Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in Xasan Sheekh uu isaga maalgeliyey qaar kamid ah kuwo xildhibaannimo doonaya iyo sidoo kale kuwo hadda noqday.
Saadaasha guusha Xasan Sheekh ayaa hadda mareysa 85%, taas oo ka dhigan inuu soo laaban doono haddii uu sii xoojiyo dedaalka uu ku doonayo in mar kale dib usoo laabto.