Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Cismaan Nuur Ciise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid u baahan in loo midoobo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in shacabka Galmudug ay la shaqeeyaan Saraakiisha Ciidanka si Al-Shabaab loogu guuleysto isla markaana ay warbixinada la wadaagaan Saraakiisha Ciidanka.
Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in Al-Shabaab dhibka keliya uusan ku heyn shacabka Galmudug balse dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku hayaan loona baahan yahay sida uu sheegay in meel loogu soo wada jeesto.
HALKAAN KA DHAGEYSO