Mas’uul sare oo u qaabilsan ururka Xamaas arrimaha dibadda oo lagu magaacabo Usaama Xamaada ayaa ugu baaqay dhamaan shacuubta ku nool qaaradda Afrika kacdoonka dhan ah Yahuuda si loo hakiyo galitaanka Yuhuudda ee qaaradda.
Mr Usaama oo hadal ka jeedinaayey shir looga hadlaayey arrimaha Qudus kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott ayaa waxa uu sheegay in Yahuuda ay bilowday iney xariir la yeelato wadamada qaaradda Afrika loogana baahanyah shacuubta ku dhex nool qaaradda iney ka hortagaan arrinkaasi asigoo arrinkaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri .
“Yahuuda waxay safar indheyn indheyn ah ay ku tageen wadamo ka mida qaarada Africa, waxaa waajib ku ah shacuubta dagan qaarada kacdoon ka dhan ah Yahuuda oo iyagu aan dal leyhan ayuu yiri”
Usamaa ayaa ugu baaqay bulshada caalamka iney ka shaqeeyaan sidii Qudus ay xoriyad u heli leyd isagoo waliba ka dhawaajiyey in la gaaray waqtigiii la xoreyn lahaa qudus.
Qaaradda Africa ayaa sidoo kale waxa uu sigaar ah uga codsay iney taageeraan Qudus, taageeridaas oo ah mid aan loo kala harin waxa uuna ku bogaadiyey qaaradaani inaan suuqyada Africa aan la geynin waxay soo saaraan Yahuuda.