DEG DEG: Wariyaal caan ah oo xabsiga laga sii daayey

0

Wariyayaasha oo kala ah Sakariye Cabdulqaadir Karasaay ,Cumar Yaasin Cumar iyo Mascuud Aadan ayaa u kala shaqaynayay TV-yada kala ah Bulsho ,Universal iyo Puntland TV.

Hay’adda Nabad Sugid-da Jubbaland ayaa wariyayaashan xirtay ka dib markii lagu soo eedeeyay in ay sii daayeen warbixino ka dhan ah maamulka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa amar uu soo saaray waxaa lagu sii daayay seddex wariye oo maalmo ka hor ay xirtay hay’adda nabad sugid-da Jubbaland.

Zakariye Cabdulqaadir Karasay ayaa sheegay in muddo afar bari ah ay ku qaateen xabsiga ,isaga oo sidoo kale u mahad-celiyay ururka suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSUJ.