Ugu yaraan 1 Askari ayaa dhintay, labo kale oo midi lagu sheegay shacabna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida
Weerarkan ayaa dabley hubeysnaa oo watay gaari nuuca raaxad waxey ku beegsdeen fariisimo Ciidamada Nabad Sugida ay ku leeyihiin Suuqa Xamar Jadiid gaar ahaan Xaafada Sargaduud ee Degmada Wardhiigleey.
Goobjooge ayaa khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi u xaqiijiyay Warbaahinta.
Dableyda Weerarkaasi fulisay ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.
Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkan Caawa lagu qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.