AMISOM oo war ka soo saartay eedeymo loo jeediyay iyo Dad Shacab ah oo la sheegay in..

0

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kooban oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay baaraayaan warar ay tabiyeen warbaahinta Qaar oo ku aadana in ciidanka AMISOM ay dad rayid ah ku dileen duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ay jawaab deg deg ah  ay ka bixin doonaan dadka   ay ku dileen hadii ay noqdaan dad shacab ah.

Dilka dadkaan shacabka ah ayaa yimid ka dib markii ay dagaalameen ciidanka dowladda Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM iyo sidoo kale Al-Shabaab , waxaana la sheegay in ciidanka dowladda Itoobiya ay dad shacab ah oo gaaraya 7 ruux ay dileen.

Warka kasoo baxay ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in diyaar u yihiin howgal kasta oo ay ka sameynaayaan Soomaaliya in aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Dhanka kale ciidanka AMISOM  ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ka dib markii ay sheegeen hanjabaada iyo weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab in  ay kordheen.

Dalabkaan ayaa  ciidanka AMISOM waxa ay ku gudbiyeen kulanka looga hadlaayay howgalka ciidanka AMISOM oo ka dhacay Magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya oo  ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidanka AMISOM.