AKHRISO XOG:- Suldaan Maxamed Cabdi Shido oo ka hor yimid qorshe laga wado Madaxtooyada Soomaaliya, banaankana soo dhigay Xog qarsaneyd

0

Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ah 135-ta Oday, ahna Guddoonka Guddiga sare ee dhaqnaka Beesha Waceysle ayaa ka hor-yimid qorshe laga wado Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan Galmudug, kaasoo ku aadan in qoondada haweenka ee kuraasta aqalka Hoose loo weeciyo beel aan aheyn beel markii hore lagu heshiiyay.

Warqad uu soo saaray Suldaanka ayuu kaga hadlay saddex kursi ee Waceysle ka heshay aqalka Hoose ay tahay in mid ka mid ah Haween la siiyo, gaar ahaan Jufada Cali Gaaf.

Suldaanka ayaa ka codsaday Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed inay tixgeliyaan go’aanka Beesha oo ah in qoondada haweenka ay tahay inay u tartanto Kursiga Cali Gaaf.

Waxaa kaloo Suldaanka uu kala qaaday sida Beelaha Waceysle ay kala helayaan Kuraasta Aqalka Hoose ee saddexda ah, waxaana ay kala yihiin Beesha Marooyin, Absuge oo ay u tartamayaan kaliya xubin rag ah.

Waxaa horay u soo baxayay in kursiga Beesha Cali Gaaf ay u sharaxan tahay qof dumar ah, taasoo dhowaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa, iyadoo la siiyay shahaadadii ogolaanshaha Musharaxnimada Aqalka Hoose.

Maamulka Galmudug ayaa lagu dhaliilay in fara gelin toos iyo mid dadban ku haayo doorashooyinka, iyadoo cabasho badan ay ka soo yeerayaan beelo la duudsiiyo xaqooda oo loo adeegsaday xoog iyo hanti.

Hoos ka Akhriso Warqada:-

Microsoft Word - Cadeyn Qoondada Haweenka ee Kuraasta Golaha Shacabka ee Beelaha Wacaeysle..doc
Microsoft Word – Cadeyn Qoondada Haweenka ee Kuraasta Golaha Shacabka ee Beelaha Wacaeysle..doc