Iyadoo Shalay Guddiga Xalinta Khilafaadka ee doorashooyinka ay shaaciyeen in ay soo gaartay Cabasho ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ayaa Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay Maxamed Nuur Cali Nuuraani oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartameysay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee laga soo dooranayo deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Siyaasi Maxamed Nuuraani ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Beydhabo maalmihii la soo dhaafay aysan ahayn doorasho Cadaalad ah oo ay u sinaayeen dhamaan Musharaxiintii ka qeyb gashay.
Waxa uu sheegay in doorashada ka socota Baydhabo uu faraha kula jiro Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan isla markaana aysan madax banaaneeyn sida uu sheegay ergooyiinka Xildhibaanada dooranaya ee Ku sugan Baydhabo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-