Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgan Bekar oo marti ku ahaa TV-ga Qaranka ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada Soomaaliya.
Safiirka oo ay su’aalo weydiinayeen Daawadayaal qadka si toos ah u soo galayay ayaa ka jawaabayay su’aalaha la weydiinayay, waxaana su’aalaha inta badan ay quseeyeen arrimaha Soomaaliya.
Amb. Olgan Bekar Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Doorashooyinka sanadkan dalka ka dhacaya, waxaana uu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan hada soo xulista xildhibaanada Aqalka Hoose.
Olgan Bekar Waxa u sheegay in ay taageerayaan Doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena ay mar walba Soomaaliya bar bar taagan yihiin.
Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Doorashada Soomaaliya aysan dib ugu dhici laheyn, isagoo sidoo kale sheegay xilliga Doorashooyinka Soomaaliya in ay ka qeyb qaadan doonaan sugiida Amniga.
Ugu dambeyntii Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa sheegay in ay rajeynayaan Doorashada soo socota Soomaaliya in ay noqoto qof iyo cod oo laga gudbo mid hada wax lagu soo dooranayo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-