DEG DEG:- Wasiirka cadaalada Puntland oo war degdeg ah uga dhawaaqay magaalada Bosaso.

0

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Saalax Xabiin Jaamac ayaa maanta magaalada Bosaso ee gobolka Bari uga dhawaaqay war degdeg ah oo ku saabsan iclaaminta Roob doonta laga sameynayo deegaanada Puntland,

Wasiirka cadaalada dowladda Puntland ayaa sheegay isniinta soo socota in Puntland oo idil laga qabandoono iskusoo baxyo roob doon ah, maadaama Puntlad inteeda badan ay ka jiraan abaaro xoogan oo biyo la’aaneed ah, taasoo keentay inay dad iyo duunyo ugeeriyoodeen Haraad.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badiyo alle ka cabsiga, si raxmada Eebbe  usoo degdegto maadaama lagu jiro waqti adag oo abaareed.

Waa markii saddexaad oo sanadkaan kaliya Puntland laga qabanayo banaanbax roob doon ah.