Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa ku waramayo in Magaaladaasi uu ku wajahan yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Magaalada waxaa maanta tegaya wafdi uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Gen. Cabdulaahi Gaafow isagoona horhdac u ah wafdiga Madaxweynaha.
Warar hoose ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu magaalada cadaado gaarayo maalinki beri ah balse Maanta uu tegayo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Gen. Cabdulaahi Gaafow.
Lama ogo sababaha dhabta ee Madaxweynaha uu u tegayo Cadaado balse waxaa jiro warar sheegayo in uu doonyo in qeyb uu ka noqdo madaxda xalka u raadineyso galkacyo oo dagaalo xoogan Maalmahan uu ka socday.