TOP DHAGEYSO:- Xeebaha Galmudug oo Walaac iyo Dhibaato laga soo sheegayo

0

Iyadoo wali  xeebaha Galmudug iyo Soomaaliyaba ay ku Sugan Yihiin Maraakiib Shisheeye oo la Dagaalamaya Kooxaha burcad badeeda  Somalida isla Markana Marakibtaasi ay Geysnayan Dhibatooyin kala duwan aya Dowlad Gobaleedka galmudug waxa ay Walaac ka Muujisay Arimo Jira oo wali Taagan

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Bada Dowlada Galmudug Mudane Xasan Warsame ayaa sheegay in dhibaata ay ku qabaan dhacdooyinka ka dhaca xeebaha Galmudug.

Wasiirku waxa uu sheegay in la gaaray xiligii bada ay dhalinyarada doomaha leh ay ka shaqaysan lahaayeen laakiin waxa uu hadalkiisa ku daray wasiirka in ay dhibaateeyaan Maraakiib iyo doomo sharci daro u isticmaala Bada.

Dowlado ay ka mid yihiin Iiran ayuu ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Dhibaateenta dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kaluumaysatada ah.