Gudoomiyaha guddiga difaaca gobolka Mudug ahna wasiirka deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo Maanta Saxaafada la hadlay ayaa ka waramay arimo dhowr ah oo quseeya Dagaalada Gaalkacyo.
Wasiirka deegaanka ayaa sheegay inay Galmudug jabiyeen xabad joojintii islamarkaana ay sii wadeen madaafiicda ay ku soo tuurayaan xaafadaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo, Sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambayn, wasiirka deegaanka ayaa ugu baaqay Galmudug inay xushmeeyaan heshiiska xabbad joojinta.
HALKAAN KA DHAGEYSO