Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan xiri doonin xerada Dhadhaab dhamaadka Bishan November oo uu qorshaha ahaa in la xiro .
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Qaxootiga Soomaaliya Max’ed Cabdi Afeey,ayaa sheegay in aysan jiri doonin dib u celin qasab ah hayeeshee ay jiri doonto dib u celin iskaa ah oo qofka uu dooranayo,waxaana uu beeniyay in dhamaadka November ay Kenya xireyso xerada Dhadhaab.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka,ayaa sheegay in Dowladda aysan xiro doonin Dhadhaab waliba si qasab ah,waxaase uu sheegay in ay waqti kordhin sameynayaan sidoo kalena wadaxaajood la sameynayaan Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery,ayaa Bishii May ee Sanadkan ballan qaaday in dhamaadka November la xirayo Xerada Dhadhaab islamarkaana Soomaaliya lagu celinayo, 300,000 oo Soomaali ah.
Xog ay siideysay UNHCR,ayaa lagu sheegay in 34,900 ay dib ugu laabteen Soomaaliya Sabtigii la soo dhaafay islamarkaana ay wali Dhadhaab ku suganyhiin 276,269 Qof oo kale,taas oo ka dhigan in aysan dhaweyn howsha dib u celinta Soomaalida Dhadhaab ku jira.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in tan iyo xilligaas 99 oo Gawaari dhulka ah iyo 160 Duullimaaad la sameeyay taas oo suura gelisay in dib loogu celiyo Soomaaliya tiro Dad ah oo gaareysa 66,650 .
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka,aya ayiri “Dowladda waligeedba ma soo saarin waqti kama dambeys ah oo lagu xiray Dhadhaab,hase ahaatee waa la kordhin karaa,kaliya dowladda waxaa ay sameysay bartilmaameed haddiii lagu fashilmayna mid kale ayaa dib loo sameynayaa”.
Afeey,ayaa Kenya ka codsaday in ay ixtiraamto xeerarka Caalamiga ah ee Bani’adamnimada islamarkaana handadaadda ka joojiso Dadka Dhadhaab.
Hay’adda MSF,ayaa ra’yi ururin ay ku sameysay Dadka Dhadhaab Bishii la soo dhaafay waxaa ay ku sheegtay in 80% Dadka Xeradaasi aysan dooneyn in dib ay ugu laabtaan Soomaaliya.