Inta badan Degmada Caaduwaaq waxaa kusoo laalaabta dagaalo iyo dilal udhaxeeya Qabaa’ilka walaalaha ah ee wada Deegaanka waxaa Dad badan ay is waydiiyaan waxa uu salka ku hayo Dhacdooyinkaasi iyo cidda Masuulka ka ah.
Siyaasi Cabdi Cali Fareey oo kamid ah waxgaradka Deegaanka Muddo badana usoo joogay Dhacdooyin kala Duwan ayaa uwaramay Shabakadda Allgalgaduud Media.
Siyaasiga ayaa sheegay in dhacdooyinka keena Amaan darri ay masuul ka yihiin Dhalinyarada isla markaana ay ku shaqeenayaan fikradaha Waalidoontood oo hurinaya Colaadaha.
Dhinaca Kale waxa uu ka hadlay Arimaha ka taagan Magaalada Cadaado iyo Marxaladda ay wajaheen Matayaasha Bulshada Caabudwaaq ee ku sugan Magaaladaasi.
Haddaba Siyaasiga ayaa arimahaasi iyo Arimo Kale uga waramay Wariyaheena Cumar Laki Man oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq.