Waxaa xalay saqdii dhexe dab xoogan uu ka kacay suuq ganacsi oo inta badan ay ku ganacsadaan dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mozambique, waxaana dabka uu geystay khasaare.
Dabkaan ayaa la sheegay in uu ka bilowday Koronto, waxaana uu baabiyay goobo ganacsi oo ay lahaayeen Dad Soomaali ah, kuwaasi oo ku ganacsanayay suuqa weyn ee ganacsiga Magladtan Nampula.
Xilliga dabka uu kacay saacado kadib xitaa ma helin gurmad ku aadan sidii loo damin lahaa dabkaasi, taasi waxa ay keentay in uu baabiyo dhamaan goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yaalay.
Soomaalida ganacsiga halkaasi ku laheyd, ayaa sheegtay hanti fara badan inay halkaasi ku basbeeshay, waxaana intaasi ay ku dareen inaysan helin gurmad ku aadan sidii loo baqtiin lahaa dabkaasi.