WAR DEG DEG AH:- Muuse Suudi Yalaxoow oo ku guuleystay Aqalka Sare ee Baarlamaanka

0

Muuse Suudi Yalxow ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxii uu la tartamaayay.

Muuse Suudi Yalxow ayaa helay codad gaaraya 91 cod, halka Xasan Cali Caadle oo la tartamayay uu helay 4 cod oo kaliya, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Muuse Suudi ayaa ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee xubin aqal sare ay ku guuleysato, maadaama uu xaqiijiyay 91 Xildhibaan codkooda.

Waxa uu ka mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee deeganada Maamulak Hirshabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Muuse Suudi ayaa ah kursiga Saddexaad ee Aqalka Sare Maamulka Hirshabeelle, iyadoo doorashada weli ay ka socoto Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.