DHAGEYSO:- Ugaas Cabdiraxmaan oo soo saaray go’aano Culus, banaankana soo dhigay Shirqool uu waday Madaxweyne Cali Cosoble

0

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ka mid ah ugaasyada Soomaaliyeed kanaa mid ahaa duubab dhaqameedyadii ka qeybgalay shirka maamul u sameynta Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamulka Hirshabeelle inay balan ka bax ku sameeyeen.

Ugaas Cabdiraxmaan oo ka hadlay saaka kulan ay ugaga dhowaaqeysay musharax Aqalka Sare Xabiibo Nuur Gendi inay ka tanasushay musharaxnimadeeda ayna ka soo qeybgaleen duubab dhaqameedyo,xildhibaano iyo waxgarad kale.

“Waxaan ka mid ahaa duubabkii dhaqankii u dhabar adeygay shirka Hirshabelle waxaan la kulmay saddex shir madaxda Hirshabelle heer baarlamaan iyo heer Madaxweyne saddex mar ayaan ballan galnay waxbana kama soo bixin.”ayuu yiri Ugaas Cabdiraxmaan.

Ugaaska ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Federalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ay hore ugu ballameen in beesha Gaaljecel 2 kursi laga siin doono Aqalka Sare balse balantii loogaga baxay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-