Wajiga Labaad ee Doorashooyinka xildhibaanada AqalkaHoose ee maanta ka biloday Magaalada Kismaayo ayaa la soo gaba gabeeyay, iyadoo ay ku guuleysteen illaa 6 xildhibaan.
Ergooyinka ku sugan Kismaayo ayaa soo dooranaya shaqsiyaadka ay u arkaan inay u qalmaan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Doorashooyinkan oo saakay bilowday waxaa maanta ku soo baxay 6 xildhibaan kuwaas oo kala ah.
1-C/raxmaan Kulmiye Xirsi
2-Axmed Cismaan Ibraahim
3-Sacdiyo Muuse C/laahi
4-Farxiyo Xasan Axmed
5-C/qaadir Sheekh Cali iyo Sheekh Nuur Maxamed Xasan.
Shalay Magaalada Kismaayo waxaa lagu doortay 7 Xubnood oo la xaqiijiyay in ay ka mid noqdeen Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.