Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dhamaan odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulsho weynta reer Caabudwaaq, aniga oo uga mahadnaqaya sida ay meel uga soo wada jeesteen kalsooni kala laabshada maamulka Galmudug ee ay hogaamiyaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).
Waan hubaa inaad tihiin dad dulqaad badan islamarkaana waxbdan xeeriya, waan hubaa inaad tihiin dad leh deris wanaag iyo wax wada cun, waan hubaa inaad tihiin dad waxay taageeraan daacad u ah, waan hubaa inaad tihiin dad Allaah subxaanahu Watacaalaa quwad siiyay ismarkaana diidi kara dulmiga, bahdilka iyo musuq maasuqa.
Mar labaad Waad ku mahadsan tihiin sida leh garashada fog iyo go’aanka cad ee aad ka qaadateen maamulka Galmudug, waxaa xaqiiqo in aad Galmudug wax walba u hurteen oo aydnaan Galmudug hagran ee ay Galmudug adinka waxba idiin hurin amaba idin hanbeyn, sababtoo ah Galmudug waxay weeyday Hogaamiyeyaal si Cadaalad, Nabad iyo hrumar leh ugu shaqeeya ama ugu adeega dhamaan danaha dadka reer Galmudug iyo deegaanada deriska la ah.
Waa inaad ogaataan Galmudug waxa ay ku soo aruurtay magaalada Cadaado, kama aysan haysan wax taageera ah gabi ahaan gobolka Galguduud markaad adinka taageerteen ilaa maanta oo la joogo ma ay haystaan taageerada gobolka, nasiib daro sanad iyo bilo kadib tan iyo markii ay xilka qabteen Cabdikariin Xuseen Iyo Maxamed Xaashi Carabeey Galmudug inay sii bur burto mooyee maalina kama aysan soo reeynayn.
Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) markaad adinku taageereeyseen iyagu waxay ku mashquulsanaayeen mudadaa ay xilka hayeen sidii ay u hurin lahaayeen Colaado sokeeye oo laga dhex abuuro dadka reer Galmudug iyo deegaanada deriska la’ah, musuq maasuq, horumar la’aan dhan walba ah iyo dhisida ururka Damujadiid si uu talada dalka dib ugu soo laabto hogaamiyahooda Xasan Sheekh Maxamuud.
Reer Caabudwaaq Galmudug waxaad ugu dulqaadateen cid Soomaaliya oo ugu dulqaadan lahayd majidho, sababtoo ah eeg Ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka Galmudug waxay si toos ah uga qayb qaadanayeen dagaalada ka socday deegaanada Bali Cad iyo Miro Cawleed ilaa dhulkaas xuduuda ah deegaanadaas oo ah dhamaantood deegaano ay leeyihiin dadka reer Caabudwaaq. aaway damiirkii iyo caqligi? aaway wada dhalashadi? ma caqli baa maamulka Galmudug waan wada leenahay wiilashaadana waxaan ku dilayaa Gadiidkii iyo Ciidamadii Maamulka?
Marka Waxaa maanta guul ah in aad adinka iyo guud ahaa dadka nala daga gobolka Galguduud badankooda ay hurdada ka tooseen islamarkaana aysan wax kalsooni ah ku qabin Galmudug-ta maanta ay hogaamiyaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey.
Reer Caabudwaaq waxaa idiin dhiman ama idiin haray waa laba arrimood kaliya inaad sameysaan waa haddii aad doonaysaan inaad gaartaan Midnimo, Nabad, Horumar iyo wada noolshaano waarta berina aad sharaf ugu dhex noolaataan ummada Soomaaliyeed, waana arrimahan soo socda:-
1- Waa in aad si deg deg ah Ciidamadiina, Hubkiina u gala soo baxdaan Galmudug iyo waxa loogu yeero Qaybta 21-aad ee Dowladda Federaalka.
2- Waa In aad Wiilshan sheegta inay yihiin siyaasiyiinta ee ku sugan xarunta Galmudug iyagana dib ugu yeertaan inay iska soo xaadiriyaan magaalada Caabudwaaq, kii idinka diidana amarkaas waa in aad ka mamnuucdaan inuu soo dhexgalo deegaankiina iyo dadkiina.
Bulsho weynta reer Caabudwaaq waligiin mid qalbigiina ku haya (XAGLO GEEL WAX GUNTI LA GALIYO KA WAYN) qofka aadanaha waa inuu leeyahay damiir iyo dadnimo uu ku diido dulmiga, bahdilka iyo musuq maasuqa sidoo kale qofka aadanaha ah waa in isagana dhankiisa sidaa iyo si le’eg waxa uu diidayo ama u quurin naftiisa waa inuu ka ilaaliyo bulshada inteeda kale.
Xil, Xoolo iyo magacba nin walbaa si sahal ah waa uu ku heli karaa, laakiin aad ayay u adag tahay in nin walbaa si sahal ah uu ku helo Dadnimo ama Damiir nadiif ah.
Gabagabadi Waxaan idiinku baaqayaa, waa inaad la socotaan in Soomaalida ku nool Soomaaliya gees ilaa ka gees ay idin daawanayaan noqda dad diida dulmiga lagu hayo dadkooda iyo deegaanadooda, si aad beri u diidaan in qof kaloo Soomaali ah la dulmiyo, noqda dad leh Dadnimo iyo Damiir nadiif ah.