FAAHFAAHIN:- Madaafiic lagu weeraray Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Ceelbaraf

0

Iyadoo shalay tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Saldhig Ciidama AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax waxa uu u xaqiijiyay Idaacada Shabelle in weerar madaafiic ah iyo qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo fariisin ku leh deegaanka Ceel-baraf.

Gudoomiye Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in madaafiicdaan ku dhacday xerada Ciidamada AMISOM aysan garaneen khasaaraha ka soo gaaray Ciidanka Midawga Africa, isagoo intaas ku daray gudoomiyuhu in laba Gaari oo ay lahaayeen Ciidamada Burundi oo ka soo baxay xerada ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ay haleeshay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegay in weerar madaafiic ah oo ay ku qaadeen xerada Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf.

Madaafiicdaan oo gaarayay ilaa 7 ayey sheegeen dagaalyahanada Al Shabaab in ay ku dileen askar gaareysa ilaa 5 Askari iyo dhaawaca tiro kale, Ahabaab ayaa intaas ku daray in laba diyaaradood ay qaadeen Meydadka iyo dhaawacyada Askarta ku wax yeeloobay duqaynta ay ku weerareen deegaanka Ceel baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.