Kulan loogu hadlaayay amaanka Gobolka Sh/Hoose oo Degmada Shalanbood lagu qabtay

0

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo gaaray Deegaanka shalaanbood ayaa waxuu kulan la qaatay Maamulka Deegaanka, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Kulanka ayaa  waxay uga hadleen sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen sugidda amaanka  iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Gudoomiye Ibraahim Aadan Cali (Najax)  ayaa sheegay in Maamulkiisa aysan u dulqaadan doonin in shacabka ku dhaqan Deegaanada Shabeelaha Hoose in la dhibaateeyo ayna diirada saari doonaan sugida amniga shacabka ShabeelaHa Hoose.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa shacabka Shalaanbood iyo guud ahaan shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka Sida si la iskaga kaashado xaqiijinta amaanka Deegaanada Shabeelaha Hoose.