DHAGEYSO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray Magaalada Xudur

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hogaaminayo  ayaa maanta Tagay Degmada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Dadka Degmada Xudur kula hadlay isla Degmada  ayaa sheegay in Al-shabaab Deg Deg looga saarayo Degmada Tiyeeglow iyo Tuulooyinka hoostaga.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaa ku daray in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo Garab ka helaya AMISOM ay Diyaar u yihiin in Shabaaab ay ka saaraan Gobolada Baay iyo Bakool.

Waxaa uu intaa ku daray in Al-shabaab ay dhibaato Xoog leh ku hayaan Dadka ku nool Goobaha ay Maamulaan islamarkaana Maamulka Koofur Galbeed uu Mas’uul ka yahay Shacabka uuna u dulqaadan doonin in la dhibaaateeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-