Booliska Dalka ayaa Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya waxa ay ku xireen Saddex Dhalinyaro ah, kuwaas oo xilligii la xirayay u socday Iskuul.
Dhalinyaradan ay xireen Booliska Kenya ayaa waxaa Da’dooda lagu kala sheegay 16, 17 iyo 15 sano, waxaana lagu eedeeyay in ay ku biiri rabeen ururka Al-shabaab.
Saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay Dhalinyaradan in ay ka soo jeedaan Magaalada Wajeer, waxaana lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Gaarisa, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan Howlgallo kale, kuwaas oo lagu raadinayo hadii ay jiraan Rag kale oo xiriir la leh Saddexdan Dhalinyaro.
Waalidiinta dhalay Dhalinyaradan ayaa warbaahinta u sheegay in caruurtooda aysan dambi laheyn oo si qalad ah lagu xiray, waxaana ay dalbadeen in caruurtooda si deg deg ah loogu soo daayo, si waxbarashadooda ay u sii wataan.
Maalmihii udambeeyay Magaalooyinka Gaarisa, Wajeer iyo kuwo kale ayaa waxaa ka socday Howlgallo gaar ah oo ay wadeen Ciidanka Difaaca Kenya, kadib markii ay bateen weerarada Shabaab ay ka geystaan Dalka Kenya.