Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay waxa uu ka dhacay xaafada Xaawo-taako ee Degmada Wadajir, kadib markii shalay Degmadaasi lagu dilay Nin Oday ahaa.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Howlgalkan horkaceysay oo Risaala la hadlay ayaa sheegay ujeedka Howlgalkan in uu yahay sidii Amniga loo xaqiijin lahaa.
Waxa ay sidoo kale sheegeen Howlgalka in uu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu raadinyay Rag looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Howlgalka in lagu soo qab qabtay tiro ka badan 20 Qof, kuwaas oo baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono.
Shalay ayay aheyd markii xaafada Xaawo-taako ee Degmada Wadajir lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Hilowle Xaafow, waxaana gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawac ah Ragii ka dambeeyay dilkiisa.