Madaxweynihii hore ee Galmudug oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Gaalkacyo

0

Iyadoo Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmaudug ay Heshiis horudhac ah ku gaareen Magaalada Dubai oo ku aadan Colaadda Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe Galbeedka Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyo Ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Waxaana arrintaas wax laga xumaado ku tilmaamay misana aan loo baagneen in dhiig uu ku sii daato Magaalada Gaalkacyo Madaxweynihii hore ee maaamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Mr Caalin ayaa ku baaqay in labada maamul ay ka dhabeeyaan Hirgelinta Heshiiskii ay kuwa gaareen Magaalada Dubai, una turan Shacabka ay ku dhex dagaalamayaan.

20-ka Bishaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland lagu dhameystiro Heshiiska ay wada gaareen Madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.