Warbixin ay soo saartay Hay’adda ka hortagta waxyeeleynta Wariyeyaasha Committee Project Journalists ee loo soo gaabiyo CPJ ayaa waxaa lagu sheegay Soomaaliya sanadkii 2-aad in ay kaalinta koowaad ka gashay wadanka lagu dhibaateeyo Wariyeyaasha.
Maalinta berri ah oo ay Taariikhda ku beegan tahay 2 November ayaa waxa ay ku aadan tahay maalinta dhameynta dhibaateynta Wariyeyaasha, waxaana warbixintan looga dhigay hordhac.
Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Committee Project Journalists ee loo soo gaabiyo CPJ oo aheyd mid aad u dheer, sidoo kalena waxyaabo badan looga hadlay ayaa waxaa lagu sheegay wadamadan in ay ka mid yihiin kuwa Wariyeyaasha lagu dhibaateeyo.
1-Iraq 2-Syria 3-The Philippines 4-South Sudan 5-Mexico
6-Afghanistan 7-Pakistan 8-Brazil 9-Russia 10-Bangladesh
11-Nigeria 12-India.
Ugu dambeyn Hay’adda Committee Project Journalists ee loo soo gaabiyo CPJ ayaa ku baaqday in la yareeyo dhibaateynta Wariyeyaasha, sidoo kalena aan laga hor istaagin xuriyatul Qowlka.