Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ahna Xarunta KMG Maamulka K/Galbeed Soomaaliya oo ay ku qul qulayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socota Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka.
Waxaana wararka aan baydhabo ka heleyno ay sheegayaan in ay jiraan cabsi xoogan oo laga qabo in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadaan Magaaldaasi oo dhawaan la filayo in ay ka qabsoomaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu soo xulay Xildhibaanada Dowlada Cusub.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Maxamed oo ka hadalaya Xaalada Magaalada ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Amaanka Magaalada Ay sibuuxda u wada sugayaan Ciidamada K/Galbeed iyo Kuwa Dowlada Somalia.
isagoo intaa raaciyay in shacabka ay ugu baaqayaan in ay la shaqeyaan Ciidamada Amaanka adkeynaya oo dulqaadna ay muujiyaan shacabka inta ay ka dhacayaan Doorashooyinka.
Warar qaar aan helnay ayaa sheegaya jn Ciidamada Dowlada K/Galbeed ay xireen dhamaan wadooyinkii soo galaya Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo iyo dhamaan xarumaha lagu wado in ay ka dhacaan Doorashooyinka.
HALKAAN KA DHAGEYSO