Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka socdeen Magaalada Gaalkacyo , ayaa Qaar ka mid ah shacabka kunool Magaalada waxa ay maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay dagaalka joojiyaan si ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dadkii ka baxsaday colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.
Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ka dalbaday in ay colaada hakiyaan .
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO