Wararka naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto cabsi lixaad leh kadib markii Maraakiib Dagaal ay ku soo dhawaaden xeebta Qandala.
Maraakiibta kusoo dhawaatay Xeebta ayaa la sheegayaa inay yihiin ilaa Afar Markab, halka saacado ka hor ay ka ahaayen ilaa labo Markab.
Maraakiibtaani ayaa waxaa lahaa Ciidamada NATO waxaana la sheegayaa in qasdigooda uu yahay inay la socdaan
dhaqdhaqaaqa Dagaalyahaanada Daacish ee ku dhuumaaleysanaaya magaalada Qandala.
Magaalada Qandala waxaa weli dhuumaaleysi ku jooga Kooxda Daacishta Somalia oo dhowaan halkaasi la wareegay,
waxaana halkaasi ka barakacay dadkii ugu badnaa.
Sidoo kale, waxaa duleedka magaalada Qandala Saaka ku diyaar garoobaaya ciidamada Puntland oo muddo laba maalin ah halkaasi lagu diyaarinaayay kuwaasi oo dagaal ku ah Daacishta Somalia.
Duleedka magaalada ayaa waxaa hadda ku sugan inkabadan 6 gaari oo nooca dagaalka ah, kuwaasi oo dagaal ku qaadaya Daacishta Somalia.
Ciidamadaani dhulka ayaa waxa ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin Saraakiisha NATO ee la socta Maraakiibta, waxaana xusid mudan in Hawada Degmada ay dul heehaabayaan Diyaarado dagaal.
Degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo hada ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal Cirka, Badda iyo Dhulka.
Xaalada ayaa hadda ah mid kacsan waxaana suuragal ah in Gudaha Asbuucaani Dagaalo ay ka dhacaan Degmada Qandala.