DAAWO CADEYMO:- Mid ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka oo Warbaahinta u soo bandhigay 7$ Malyan oo Puntland kasoo gaartay Dawladda Soomaaliya & Muran ka taagan.

0

Mid kamid ah Xildhibanada Puntland laguna Magacaabo Nuradiin ayaa todobaadkan weydiiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas su’al la xiriirtay in Puntland ay Dowladda Federalka ka hesho lacag gaaraysa $7,700,000 (Todobo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun) sannad kasta isla markana aan la gelin lacagtaas Misaaniyadda Puntland taaso la micno ah in ay ku dhacdo jeebka Madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland isagoo hortaagan Barlamaanka Puntland ayuu beeniyay jiritaanka arrintaas sidaad horay u dhagaysateen wuxuna weliba ka codsaday Xildhibanadii inay caddeynta arrintaas keenan.

Hadaba Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa keenay caddaynta in lacagtaasi ay Puntland soo gasho, wuxuuna maalintii shalay ahayd warbaahinta ugu soo bandhigay magaalada Garoowe, isagoo soo xiganaya buugga qoondada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in sidoo kale lacagtaas ay dawladda federaalku siisay Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xildhibaan kulane ayaa sheegay in lacagta loo qaybiyay qayb-qayb, iyadoona $10,000,000 (Toban Milyan) marka hore la qaybsaday, waxaana Xildhibaanku Warbaahinta la wadaagay buugii lacagtu ku baxday kaas oo ay ku xrdhan tahay xisaabaadka qaabka lacagtu u baxday., iyadoona sidoo kale 20 Malyan qayb ka mid ah lagu dhisay maamulka Hir-shabeele ee Dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay dhismahiisa.

20 Milyan ee Dollar ayaa uu sheegay inay ka timid dhanka Dawladda Sacuudiga, waxaana uu sheegay Xildhibaanku in ay waydiiyay Wasiirka Maaliyada Dawladda Puntland, waxaana uu sheegay in hadii aysan Puntland lacagtaas qaadan la cadeeyo halka lacagtu aaday.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ugu baaqay in xil arrinkaas iska saaro, uuna cadeeyo qaabka wax u jiraan.