Doorashada Soomaaliya ayaa markale laga cabsi qabaa inay dib u dhacdo waxaana shalay Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha Caalamka ay walaac xoogan uga muujiyeen in mar kale Arrimaha doorashooyinka ay dib u dhacdo, iyadoona ay baaqyo xoogan soo baxayaan.
Arrimaha Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa wali dhamaystirnayan sida Soomaaliland, iyo Hir-shabeele, iyadoona dhanka aqalka hoose oo balantu ahayd in 23 bishaan ay soo dhamaadaan ay hada aga gudbay dibna u dhacday.
Dadka falanqeeya Arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegaya in mugdi iyo musuqmaasuq badan ka muuqdo doorashada dalka, waxaana baaq loo diray Madaxwaynayaasha maamul Goboleedyada dalka, iyadoona loogu baaqay in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan Xaalka doorashada dalka.
Alshabaab ayaa dalka ku xoogaysanaysa waana khatar Soomaaliya kusoo wajahan, iyadoona Ciidanka Itoobiya ay xiligii ugu khatar badnaa ka baxeen Gobolo iyo degmooyin ka mid ah kuwa muhiimka ah ee Koonfurta Dalka.
Xoogaysiga iyo wajiga Cusub ee Xagjirka ay Daacish ka mid tahay ayaa mugdi sii galinaysa rajadii laga qabay Soomaaliya Xasiloon oo 2020 ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO