Todobaadkii aan kasoo gudubnay waxaa degmada Carmo ee Gobolka Bari heshiis kuwaday gaaray Xukuumadda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaana heshiiskaas dhanka kale u matakayay Beesha uu kasoo jeedo Cabdisamad Maxamed Gallan oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari mudooyinkii dambana hogaaminayay Kooxo falaago ah oo Xukunka Madaxwayne Gaas kasoo horjeeday.
Madasha heshiisku ka dhacay, waxaa sidoo kale ku suganaa hogaamiyaha falaagada Cabdisamad Gallan, waxaana dhinacyadu ay gaareen heshiis ku salaysnaa midnimo iyo nabada, iyadoona qoodbo lagu heshiisyay ay jiraan kuwaas oo fulintooda laga sugayo dhanka Xukuumadda Puntland.
Shiikh Yuusuf Axmed Daad oo ka mid ah Culimada Puntland ee hawlahaas u kacay markii isfaham waagu soo baxay ayaa ka waramay heshiiska, waxaana uu sheegay in dhanka Xukuumadda iyo Gallan ba ay ku qanceen qoodbada laysku afgartay.
Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in culimada doorkeedii dhamaaday lana sugayo fulinta inay daba galaan gudi arrimahaas loo xilsaaray.
HALKAAN KA DHAGEYSO