DHAGEYSO:- QM oo War ka soo saartay deegaanadii ay ka baxeen ciidanka Itoobiya

0

Qaramada Midoobey ayaa ka derisay xaalada ay kunool yihiin dadkii kunoolaa degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada dhawaan ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya , islamarkaana gacanta u galay Al-Shabaab.

Xafiiska Qaramada Midoobey  ee arimaha biniaadanimada OCHA ayaa sheegay in dadkaasi ay ku dhibaateysan yihiin meelo ka baxsan magaalooyinkii ay ka barakaceen ,islamarkaana aysan haysanin Cafimaad , waxbarasho, hoy iyo sidoo kale Biyo ku filan.

Laga soo bilaabo July 2016, ciidanka dowladda Itoobiya waxa ay ka baxeen 8 deegaan oo ku yaalla gobolada Hiiraan , Bakool iyo sidoo kale gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey deeganadaasi waxaa ka mid ah , Rab Dhuure, Buur Dhuxule, Garas Weyne , Tayeeglow Budbud ,Galcad, Moqokori iyo  Ceel Cali.

OCHA ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku barakaceen deegaanada ku dhow meelaha ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya , islamarkaana ay ku dhibaateysan yihiin halkaasi.

Hay’addii  Gar gaarka ee ka howlgalaayay deeganadaasi ayaa iskaga cararay ka dib markii ciidanka dowladda Itoobiya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka baxeen deegaanadaasi.

Waxa ay sheegtay Qaramada Midoobey in ay muhiim tahay in dadkaasi la gaarsiiyo gar gaar deg deg ah si loo badbaadiyo naftooda.

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa dhawaan bilaabay in ay ka baxaan deegaanadii ay horay ugala wareegeen Xarakada Al-Shabaab, waxaana durba  deegaanadaasi ay gacanta u galeen Al-Shabaab.

Degmada Tayeeglow oo aheyd meeshii ugu dambeysay oo ay ciidanka dowladda Itoobiya ay ka baxeen ayaa Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay dadkii ka barakacay in ay ku dhibaateysan yihiin degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-