Midowga Europe iyo Midowga Africa oo sheegay in loo baahan yahay Hoggaan dhab ah in ay yeelato Soomaaliya

0

Golaha Amniga iyo Nabad ee Ururada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo shirk u yeeshay Magaalat Brussesls ee Xarunta Dalka Belgium, ayaa si qoto dheer waxey uga hadleen xaalada arimaha doorashooyinka, howlgalka AMISOM iyo Dagaalka lagula jiro Xarkada Al Shabaab.

Madax  ka socda labada dhinac ayaa waxey shaaca ka qaadeen in loo baahan yahy xoojinta taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay isku raaceen in loo baahan yahay hogaan dhab ah oo uu yeesho Dalka Soomaaliya.

Waxaa shirkooda ay ka sheegeen in marwaliba muhiim ay tahay sidii loo xushmeyn la haa qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxda Ururada Midowga Afrika iyo kan Yurub ayaa carabka ku adkeeyay in sida muuqata loo baahan yahay in dhaqaalo lagu taageero Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo wada howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Shirkan ka dhacay Magaalada Brussels ayaa waxaa laga shaaciyay in ay muhiim tahay in nabad iyo xasilooni ay ka muuqadaan Degaanada lagala wareegay Xarakada Al Shabaab.