Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmada ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Al-Shabaab hadii ciidanka dowladda Itoobiya ay ka baxaan degmadaasi.
Gudoomiyaha Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay isku dayi doonaan in ay difacaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Maxamed Macalin Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidankii difaaci lahaa xarunta gobolka Bakool ee Xudur.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaal xoogan ay kula jiraan Al-Shabaab , islamarkaana la adkeeyay ammaanka deegaanada ku dhow degmada Xudur.
Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa bilaabay in ay ka baxaan deegaanada iyo sidoo kale degmooyinka gobolka Bakool , waxaana maamulka Koonfur Galbeed ay isku diyaarinayaan in ay deegaanadaasi ay geeyaan ciidamo dheeraad ah.
Al-Shabaab ayaa la wareegay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ,ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya ay iskaga baxeen degmadaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka:-